
Xiddigaha Argentina sida Sergio Aguero iyo Angel di Maria ayaa ka bilaaway Buenos Aries tababarta ay isugu diyaarinayaan Coppa America.
Argentina ayaa dooneysa markii 15 aad iney koobkan ku guuleysato ayaa sabtida ciyaar saaxibtinimo waxaa ay la ciyaareysaa Bolivia ka hor inta aysan la ciyaarin xulalka Uruguay, Paraguay iyo Jamaica oo ay isku guruub B yihiin tartanka furmaya 11-ka June.
Gerardo Martino oo ah tababarihii hore Barcelona ayaa hogaaminaya xulka iyadoo tababarka sidoo kale ay joogeen Marcos Rojo iyo Javier Pastore .
Lix ciyaaryahan oo Premier league ka ciyaara ayaa ku jira 23-ka xiddig ee xulka Argentina waxaana ay kala yihiin Aguero, Di Maria, Rojo, , Erik Lamela , Pablo Zabaleta iyo Martin Demichelis.






No Responses to “Sergio Aguero iyo Angel di Maria oo hogaamiyay tababarkii ugu horeeyay Argentina+sawiro”