
Sida ay qoreen maanta warbaahinta Ingiriiska milkiile Roman Abramovich ayaa xooga saari doona sidii uu Pep Guardiola ku keeni lahaa garoonka Stamford Bridge iyadoo la hadal hayo inuu macalinkaan qaban doono kooxda Manchester City.
Pep Guardiola ayaa la xaqiijiyay inuu xagaagan dhamaadkiisa ka tagayo Bayern Munich sidoo kalana uu qaban doono koox ka dhisan horyaalka Ingiriiska, balse Blues ayaa damacsan iney u dagaal gasho sidii ay macalinkaas u keeni laheyd galbeedka Magaalada London.
Guus Hiddink ayaa haatan si kumeel gaar ah u haya xilka tababaranimo ee kooxda Chelsea kaas oo ka badalay macalinkii la ceyriyay ee Jose Mourinho, balse Roman ma doonayo inuu macalinkaan reer Holland kooxda sii leyliyo.
Evening Standard ayaa qortay in Roman Abramovich uu dagaal dheer u gali doono sidii uu Pep Guardiola ku keeni lahaa kooxdiisa.
No Responses to “Chelsea Dagaal La Galeysa Koxda Man City, Si Ay Ugu Dulqaadaan Tababare Pep Guardiola.”