
Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaan wax badan ku riyooneynin arinta ku saabsan inuu wax badan u qaban lahaa hadii uu lasoo saxiixan lahaa Suarez 2013, markaas oo uu dalab guuldareystay u diray, balse ninkaan reer France wali wuu xushmeeyaa xidiga reer Uruguay.
Wenger ayaa aad uga walwalsan halista weerarka sadexda magac leh ee Barcelona Suarez, Messi iyo Neymar, balse wuxuu sheegay iney wax walba u sameyn doonaan sidii ay u celin lahaayeen lugta hore ee Emirates ka dhici doonta.
“Waxey aheyd inaan ka fakaro mar hore hadii aan lasoo saxiixan lahaa Suarez, balse hadda maahan” Ayuu yiri Wenger.
Sidoo kale Wenger ayaa ku amaanay Suarez xamaasadda uu ciyaarta u yeelo isagoo qiray inuu si qurux badan ugu ciyaaray Liverpool sidoo kalana uu kasoo garab ciyaaray Cavani iyo Forlan.
“Suarez waa nuuca ciyaartoyda abuura xamasadda ciyaarta, wuxuu leeyahay xirfad u gaar ah, qeyb ka mid ah xirfadda ay leeyahiin sadexdaas nin, waxey isku fahmaan si fiican sidoo kalana waxey sameeyeen midnimo aan caadi aheyn”
“Waxaan arkaayay in Messi uu rigoore u baasay Suarez si uu u noqdo gooldhaliyaha ugu sareeya, marka aad aragto Messi oo fursad u helay inuu dhaliyo goolkiisii 300-aad isla markaana aan sameyn waxey la micno tahay iney jirto arin dhab ah”
Ugu dambeyntiina Wenger ayaa si qurux badan u qiray iney adag tahay in la celiyo MSN, balse wuxuu sheegay iney si mideysan u falanqeeyeen celint iyo sida uu u maareen lahaa xiddigii hore ee Liverpool Luis Suarez.
No Responses to “Arsene Wenger Ayaa Daaha Ka Qaaday MSN, Iney Yihiin Kuwa Aan Caadi Eheen.”