
Kabtanka xulka Brazil Neymar Jr. oo la hadlaayay shabakada Globo ee dalkiisa ayaa ka dhawaajiyay inuusan Barcelona meel uga soconin.
Waxaa siweyn la isla dhex maraa in Neymar uu xagaagan Barcelona isaga hayaami doono madaama uu marar kala duwan dib u dhigay wada hadaladii qandaraas cusub looga saxiixi lahaa.
Balse Neymar ayaa ka saaray taageerayaasha Barcelona walaaca ay qabeen wuxuuna yiri “Waxaan u maleynaa muhiimada kubada cagta inay tahay inaad ka garab cayaartid xidigaha aduunka ugu wanaagsan”
“Sidaa darteed waxaan u heestaa in xidigaha ugu wanaagsan ay halkaan joogaan mana jirto meel kale oo ay sugan yihiin xidigo tayadan leh oo kale”
“Aadban ugu faraxsanahay ka mid ahaan shaha Barcelona, Waxaan dareemayaa in Camp Nou uu gurigeyga yahay madaama aan wax walbo ku heesto”
“Mana arko inay jirto sabab aan halkaan kaga tago marba hadii aan aad u qanacsanahay hormar ahaan iyo nolol ahaan”
Hadalka kasoo yeeray Neymar uu niyad u keeni doonaa kooxaha saxiixa xidigan xiiseenayaan oo ay ka mid yihiin Real Madrid, Man City, Man United iyo PSG.
No Responses to “War Cad; Neymar Aanan Meel Uga Socon Koxda Barcelona.”