• Home

Logo

Banooni
Navigation
  • Home
  • Wararka Maanta
  • England
  • Spain
  • Italy
  • Germany
  • Faransa
  • Championka
  • Afrika

Jose Mourinho OO Markan Is Dhiibay Xaqiraadii Uu Messi Ku Haan Jirayna Runta Ka Sheegay, Talow Maxu Ka Sheegay Messi.

By Diyeeshe | on 18/03/2016 | 0 Comment
mou

Tababaraha ree Portugal ee Jose Mourinho ayaan markii uu joogay Real Madrid hoos udhigi jiray Lionel Messi, kamanuu daali jirin in uu shirarkiisa jaraa’id markasta ku sheego in Cristiano Ronaldo uu yahay xidiga aduunka ugu fiican balse ugu danbayn Mourinho ayaa ku dooday in ay wax sahlan tahay in Champions Leaque-ga lagula guulaysto koox uu Messi ka tirsan yahay, wuxuuna taas sabab uga dhigay in Messi uu saddex tababare oo kale duwan uu Champions Leaque-ga la qaaday.

Waxay u muuqataa in Mourinho oo aan hadda wax koox ah gacanta ku hayn uu aqbalay saamaynta wayn ee uu xidiga ree Argentina ku yeeshay kubbada cagta yurub. Mourinho oo la hadlayay BT Sports ayaa yidhi: “Ugu horayn kubbada cagta waxaa ku jira shaqsiyo, tusaale ahaan Lionel Messi waxa uu Champions Leaque-ga kula soo guulaystay saddex tababare oo kale duwan. Waxaan filayaa in ay wax sahlan tahay in Champions Leaque-ga lagula guulaysto Lionel Messi intii aad isaga kaga hor iman lahayd”.Mou and Messi

Mourinho oo sharaxaadiisa sii wada ayaa yidhi: “Anigu waxaan ahay tababare, waxaanan ogahay in dadku ay ka fikiraan in shaqsigu uu aad uga muhiimsan yahay kooxda. Anigu waxaan sii wadayaa rumaysnaanta ah in isku duubnaantu ay ka muhiimsan tahay waxkasta oo kale, inkasta oo ay iska cadahay in ay jiraan ciyaartoy farqiga sameeyaa”.Messi

Intaa kadib Mourinho ayaa kala cadayn waayay in uu shaqada Man United qaban doono wuxuuna yidhi: “Anigu waxaan nasiib ku lahaa tan iyo markii aan December ka baxay Chelsea in aan haystay doorashooyin fiican, laakiin waxaan go’aan ku gaadhay in aan sugo oo aan deganaado, xaqiiqdu waxay tahay in aan shaqo doonayo. Kulamada xili ciyaareedka ka horeeyaa waxay bilawdaan July waxaanan doonayaa in aan markaas kooxda la joogo”.

Share this:

  • Tweet
Share this story:
  • tweet

Author Description

No Responses to “Jose Mourinho OO Markan Is Dhiibay Xaqiraadii Uu Messi Ku Haan Jirayna Runta Ka Sheegay, Talow Maxu Ka Sheegay Messi.”

Qor aragtidaada Cancel Reply

Emailkaga dadka ma arkayaan Required fields are marked *


*
*

  • Leonardo Bonucci oo markii ugu horreeysay ka hadlay sababtii uu uga soo tegey Juventus

    23/07/2017 - 0 Comment
  • Xiliga Neymar uu ku biirayo PSG iyo qiimaha uu ugu dhaqaaqayo oo la ogaaday

    23/07/2017 - 0 Comment
  • Real Madrid oo lacag 100 Milyan ka badan kula wareegeysa Kylian Mbappe

    23/07/2017 - 0 Comment
  • Tabobare Antonio Conte oo go’aan uu lix bil ka hor gaaray ku fuliyay Diego Costa

    23/07/2017 - 0 Comment
  • Manchester United oo war wanaagsan kaheshay Fifa. hadaba muxu yahay warka.

    22/06/2017 - 0 Comment
  • Ma rumeysan doontid, marka aad Aragto inta ciyaartoy ee Caan ah haddana ka mid ah Qoxootiyada Kubbadda Cagta Ciyaarta, Soomaali ayaa ka mid ah!!!

    22/06/2017 - 0 Comment
  • Ghana: Asamoah Gyan Oo Sheegaya In Goolkii Ugu Fiicnaa Abid Uu Ka Dhaliyay Soomaaliya

    22/06/2017 - 0 Comment
  • Manchester City oo dhameestiri doonta saxiixa saddexaad ee xili ciyaaredkan,Waa kuma?

    18/06/2017 - 0 Comment
  • Man City oo dalab waali ah ka gudbin doonta laacib laf dhabar u ah kooxda Dortmund

    18/06/2017 - 0 Comment
  • Maxaa ka soo kordhay xaalada xiddiga xulka qaranka Soomaaliya ee Macaani???

    18/06/2017 - 0 Comment

Halkaan Like Dheh Si Aad War Deg Deg Ah U Hesho.

Banooni
  • Home
  • Wararka Maanta
  • England
  • Spain
  • Italy
  • Germany
  • Faransa
  • Championka
  • Afrika
© 2015. All Rights Reserved. Created with love by Mohamed Siidi